Wafdigii Madaxweynaha oo diyaarad Helicopter ah ka soo qaaday magaalada Marka

0
927

XasanSheekhWafdigii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhow dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib markii diyaarad Helicopter ah ay ka soo qaaday magaalada Marka, halkaasoo uu shalay gaaray.

Madaxweynaha iyo xubno ka mid ah wafdigiisa ayaa diyaarada Helicopter ay ka soo dejisay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, iyadoo qeybta kale ee wafdigiisa iyo kolonyadii u gelbisay magaalada Marka ay safar dhulka ah ku soo baxeen.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa markii u horeysay xalay ku hoyday magaalada Marka, halkaasoo uu kula kulmay odayaasha deegaanka, waxgaradka iyo qeybaha bulshada oo uu kala hadlay sidii loo hormarin lahaa gobolka, amniga iyo maamul dadka deegaanka soo doortaan.

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Eng. C/raxmaan Yariisow ayaa beeniyay in la weeraray Kolonyadii Madaxweynaha ee shalay ku safreysay wadada isku xirta Muqdisho ilaa Marka, isagoo cadeeyay in wafdiga Madaxweynaha ay si nabadgelyo ku tageen Marka.

C/casiis Abuu Muscab oo la hadlay wakaalada warar ee AFP ayaa sheegay in kolonyadii uu la socday Madaxweynaha Soomaaliya ay wadada u galeen, isla markaana ay gaadiid ku dhifteen qoriga baasuukaha, isla markaana qasaare u geysteen.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa maalmo kadib u buuxsameysa sanad-guuradii koowaad markii lagu doortay Caasimada, dadka odorasa siyaasada ayaa sheegaya in Madaxweynuhu uu isku dayayo inuu wax ka bedelo siyaasadiisa, kadib muddo sanad ah oo dhaliilo loo jeediyay xafiiskiisa.

Shirweyne qaran oo looga hadlayo geedi socodka siyaasada iyo hiigsiga 2016 sidii dalka doorasha looga hirgelin lahaa ayaa ka furmay magaalada Muqdisho Isniintii, kaasoo ay ka qeyb galayaan ilaa 200-xubnood oo isugu jira, siyaasiyiin, mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, maamulada iyo qeybaha bulshada.

 

Source: Jowhar