Wakiilkii arrimaha dibada ee Xisbul Islaam Maxamed Macalin oo xabsiga laga sii daayay

0
997

AhlusunaXoghayihii arrimaha dibada ee ururka Xisbul Islam Maxamed Macalin ayaa xalay maqribkii la sii daayay kadib markii uu saacado xirnaa.

Maxamed Macalin ayaa la xiray kadib markii uu shir jaraa’id uu qabtay uu ku sheegay in shirweyne u furmay ururkii Xisbul Islam. Waxa kale oo uu sheegay afhayeenkii hore ee ururka in loo gudbin doono Sh.Xasan Daahir Aweys xabsiga dhexe ee Muqdisho.

Sarkaalkan hore uga tirsanaa ururka Xisbul Islam ayaa waxa uu sheegay in mudadii uu xirnaa si wanaagsan loola dhaqmay sababta loo xirayna ay ahayd iclaamintii uu ku sheegay in shirweyne ururka Xisbul Islam uu u furmay.

Maxamed Macalin ayaa waxaa uu sheegay in uu sii wadi doono dhaqdhaqaaqa siyaasada isla markaana ay si nabad ah iyo jawi nabdoon uu kula macaamilayo dowlada federalka Soomaaliya.

Afhayeenka ciidamada booliska Gen Maxamed Yusuf Cumar Madaale ayaa shalay sheegay in Maxamed Macalin loo haysto dambiyo uu hore dalka uga galay isla markaana la baarayo.