Wasiirka arrimaha gudaha ee Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde ayaa dhagax-dhigay dhismaha waddo cusub oo dhererkeedu yahay 1 km iyo howlo lagu qurxinayo hareeraha waddooyinka magaalada Burco.
Warancadde oo hadal ka jeediyey munaasabaddii dhagaxdhigga ayaa sheegay in howlahaasi ay ka mid yihiin qorshe maamulku ugu talagalay sare u qaadidda kaas oo loogu talagalay inuu billowdo 1-da September.
Wasiirka ayaa dadweynaha Burco ku boorriyey inay ka qeyb-qaataan howlaha lagu wanaajinayo bilicda magaalooyinka iyo nadaafadda magaalada .
Fulinta mashruuca ayaa waxaa iska kaashanaya dawladda hoose iyo dadweynaha magaalada Burco.
Source: Bar-kulan