Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo Maanta Kulan kor loogu qaadayo tayada Ciidamada iyo Iskaashiga ku qabtay Magaalada Muqdisho

0
870

Kulankaan oo maanta lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha aden Cadde ayaa diiradda lagu saarayay qaabkii loo tayeen lahaa Ciidamada Xoogga dalka islamarkaana loo xoojin lahaa Wadashaqeynta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Taliska Ciidamada Xoogga dalka waxaana si wadajir ah qabanqaabada kulankan isaga kaashaday Wasaaradda Difaaca iyo Howlgalka Tababarrada u qaabilsan Midowga Yurub.

Kulankana ayaa waxaa kasoo qeybgalay Saraakiil sarsare oo ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Federaalka ah,Taliska CXDS,Saraakiil ka socotay Wasaaradaha Gaashaandhigga Dowladaha Midowga Yurub gaar ahaan Dowladaha UK, Mareykanka, Talyaaniga, Turkiga iyo Saraakiil kale.

Ugu horreyntii waxaa Shirka furay K/Simaha Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Muuse Cabdulle Maxamuud oo sheegay inay Wasaaraddu horumar wanaagsan ka gaartay Xureynta Gobollada dalka,islamarkaana ay wadashaqeyn ka leeyihiin Taliska Milateriga dhinacyada Qorsheynta Howlgallada,Tababarrada iyo Istaraatiijiyadda ciidan waxa uuna uga mahadceliyay Madaxda Reer Yurub taageerada ay u fidiyaan Ciidamada Xoogga dalka waxa uuna soo dhaweeyay tababarka ay Midowga Yurub gudaha dalka ku siinayaan Ciidamada Xoogga dalka.

Colnel.Demassi Taliye ku xigeenka Howlgalka Tababbarrada Midowga Yurub ee Soomaaliya oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay isbedelka muuqda oo ay ku tilaabsatay Wasaaradda Gaashaandhigga iyo sida loo habeeyay Taliska Ciidamada Xoogga dalka waxa uuna ballanqaaday in Midowga Yurub ay tababarka ciidamada sii kordhinayaan haddii ay ahaan laheyd gudaha iyo dibadda dalka.

Saraakiisha ka qeybgashay kulanka ayaa muddo saacado ah dood kulul ka yeeshay qaabka loo sii dardar gelin karo Howlgallada iyo Istaraatiijiyadda Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ,iyagoo isku raacay in si wadajir ah gacan looga geysto ciribtirka Alshabab ee Argagixisada ah.

 

WasaaraddaGaashaandhigaEU20130909_3 WasaaraddaGaashaandhigaEU20130909_2 WasaaraddaGaashaandhigaEU20130909_1 WasaaraddaGaashaandhigaEU20130909_5 WasaaraddaGaashaandhigaEU20130909_4