Kulan lagu soo gabogabeeyay dib-u-heshiisiin la dhex dhigay beelo ay diriri ku dhex martay degaanno katirsan gobolka Mudug oo ay ka qaybgaleen Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, Xildhibaanno iyo qaybaha kala duwan ee bulshada kasoo jeeda deegaannada lagu dagaalamay ayaa maanta ka dhacday magaalada Muqdisho.
Kulankan oo lagu soo afmeerayay fadhiyo dib-u-heshiisiineed oo isdaba joog ahaa oo lagu dhex dhexaadinayay qaybo kamid ah Bulshada Soomaaliyeed oo ku dhaqan deegaanno katirsan Gobolka Mudug waxaana muhiimadda kulanka uu ahaa sidii arrintaasi aysan markale u soo noqonin, dadkii dirirtu dhexmartayna ay qaataan dib-u-heshiinta la dhex dhigay.
Suldaan C/naasir Jaamac Seed oo kamid ahaa Guddigii loo xilsaaray Dib-u-heshiisiinta lakala dhexdhigay dadkaasi oo lagu guuleystay ayaa ka warbixiyay Mudadii ay gogosha dib-u-heshiisiinta soo socotay iyo marxaladihii ay soo martay, oo uu tilmaamay in waqti badan lagu bixiyay howsha ku aadan sidii loo soo afmeeri lahaa dadka halkaasi ku dagaalamay.
Madaxweyinihii hore ee maamulka Galmudug State oo kamid ahaa Siyaasiyiinta ka hadashay madasha ayaa ku ammaanay dadkii kasoo shaqeeyay qabsoomidda kulanka dib-u-heshiisiinta isagoo ka codsday isku duubni iyo wadajir in ay sameeyaan odayaasha dhaqanka ay sii adkeeyaan dhaqan gelinta heshiiska.
Kulankan oo ay hadallo ka jeediyeen xildhibaanadii ka qaybgashay ayaa Xildhibaan C/laahi Jaamac Xuseen waxa uu sheegay in ay dib-u-heshiisiintu horseedi doonto guul iyo wada shaqeyn dhexmartay dadkii ku diriray deegaanno ka mid ah gobolka Mudug.
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane C/kariin Xuseen Guleed oo ka qaybgalay kulanka ayaa soo dhaweeyay dib-u-heshiisiinta, isagoo sheegay in ay jiraan wafdi ay dhowaan u ambabixi doona Magaalada Gaalkacyo halkaasi oo ay kaga qaybqaadan doonaan Nidaamka Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, kuwaasi oo ay dowladda ku gacansiin doonto sidii ay ugu qayb qaadan lahaayeen balaarinta dib-u-heshiisiinta Gobollada Dhexe ee Soomaaliya.
Qaranka Mudane C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sidoo kale carabka ku dhuftay in ay jiraan shirar ay dowladda u gogol xaarayso in lagu mideeyo bulshada Soomaaliyeed ee kudhaqan Gobollada Dhexe, shirarkaasi oo ay fududeeyn doonto Dowladda goor dhawna la qaban doono.
Radio Muqdisho