Wasiirka Arrimaha Gudaha oo SheegayHay’adda Nabad sugida Qaranka Fashilisay Falal ay Maleegayeen Maleeshiyaadka Shabaab

0
1014

CabdikariimGuuleedWasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka qaranka xukuumada soomaaliya C/kariim Xuseen Guuleed oo wareeysi gaar ah siiyay radio muqdisho ayaa sheegay in hay’ada sirdoonka iyo nabad sugidda qaranka ay xooga saato helidda xogag ku aadan ammaanka qaranka iyo falalka argagaxiso oo ay maleegayaan kooxda Shabaab.

Wasiirka ayaa sheegay in labadii bilood ee ugu danbeeysay ay ha’adda sirdoonka iyo nabad sugida qaranka ku shaqeeyneeysay istiraatiijiyad cusub oo loo dajiya si loo digtoonaado falal argagixiso oo ay shabaab ka geesytaan gudaha dalka gaarahaan magaalada muqdisho.

“Waxaan sameeynay ciidamo dhar cad oo ku dhex jira bulshada qeybaheeda kala duwan oo xog dhab ah ka keena cadawga iyo qof kasta oo wax u dhibaya ammaanka iyo nabad gelysada dalka”ayuu yiri wasiirka

Wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka qaranka mudane C/kariim Xuseen Guuleed ayaa sheegay in isbedlka lagu sameeyay hay’adda nabad sugidda qaranka ay suura galisay in bishii Augusto oo kaliya la helay xog dhan ilaa 330 oo dhamaantood muujinayay inay qatari jirto,tasoo isku cel celis ahaan noqneeysaa in maalin kasta la helayay ilaa 11 xog oo dhamaantood sheegayay Qatari dhici kara.

Wasiirk ayaa sheegay in boqolkiiba 65% ka mid ah qatarahaasi ay noqdeen kuwo dhab ah oo isugu jiray falal la fashiliyay oo ay ka mid ahaayeen isku day dil,qaraxyo iyo weeraro ay dhamaan ciidamadu ka hor tageen.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka qaranka ayaa ugu dambeeyntii sheegay in la sii xoojin doono howsha ay shacabka soomaaliyeed u haayso hay’adda sirdoonka iyo nabad sugidda qaranka.

Radio Muqdisho