Dowlada Soomaaliya oo dalbatay hub ay kula dagaalanto Alshabaab Wasiirka Gaashaandhiga dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdi Xakiim Xaaji Fiqi oo la hadlay Talafishinka NBC ee laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa sheegay inaysan la dagaalami kareynin waxa loogu argagaxisada haddii aysan helin hub iyo maalgalin dhameestiran.
Wasiirka ayaa sheegay in marka ay sidaa leeyihiin aysan ula jeedin diyaaradaha guuxa ka dheereeya ee kooxahaas lagula dagaalamo.
Waxa uuna tilmaamay in hubka fudud oo loo qeybiyo ciidamada amaanka ee soomaaliya uu ka caawin karo masiibada ka soo fool leh kooxahaasi.
Cabdi Xakiim ayaa xusay in dhacdada westgate ay Caalamka tusineyso sida kooxda Alshabaab ay iskugu badashay Urur argagaxiso oo dunida oo idil qatar ku haya.
Somaliweyn