Wasiirka warfaafinta oo ka qeybgalaya shirka 38aad ee ICAO oo Canada ka socda

0
976

CiilmoogeInMontreal1Waxaa magaalada Montreal ee dalka Canada si habsami leh uga socda shirkii 38aad ee hay’adda caalamiga u qaabilsan duulista dayuuradaha rayidka (international Civil Aviation Organision),marka la soo gaabiyana loo yaqaan ICAO,shirkan waxaa ka qeyb galaya wafdi uu hogaaminayo wasiirka wasaarada warfaafinta,boostada,isgaarsiinta iyo gaadiidka,Md. Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi,

Shirkan waxaa ka soo qeyb galay dhammaan wadamada xubnaha ka ah ICAO oo dhan 191 dal iyo ururo caalami ah,waana markii ugu horeysay muddo 30 sano laga joogo,wafdi heer wasiir ah oo ka socda dowladda federaalka Soomaaliya uu yimaado xarunta ICAO ee magaalada Montreal ee dalka Canada,hay’adan ICAO oo Soomaaliya si rasmi ah ugu wareejin doonta maamulka hawada dalka sanadkan 2014 bisha Janaayo,taasi oo ay ka horeysay heshiiskii bishii May dib u soo celinta

Waxaa shir gooni ah wada yeeshay wasiirada gaadiidka cirka ee dalalka Afrika,kana wada hadlay hirgalintii go’aamadii ka soo baxay shirkii ka dhacay magaalada Abuja ee dalka nayjeeriya,bishii July 2013,dal walba waxaa uu dadaal xoogan u galay horumarinta gaadiidka cir iyo sidii uu ula jaan qaadi lahaa teknooloojiyada casriga ah ee gaadidka circa

Wasiirka Warfaahinta, Boostada, isgaarsiinta iyo gaadiidka, Md. Cabdullaahi Ciilmooga Xirsi si gooni gooni ah u la kulmay madaxdii ka socotay dalalla itoobiyo iyo Kenya oo dano badana ka dhexeeyaan soomaaliya, Wasiirka shirka ka dib waxaa uu xog-waerysi dheer siiyay warbaahinta qaranka,wareysiga wasiirka halkan ka daawo.

Radio Muqdisho