Weerar Xalay ka dhacay Duleeda Magaalada Baladweyne

0
1421

BeledweyneWararka aan ka heleyno Magaalada B/weyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa ku soo warramaya in xalay Kooxo Hubeysan ay weerar ku qaadeen Fariisimo Galbeedka Magaaladaasi ay ku leeyihiin Ciidamada AMISOM.

Weerarka oo an la oegeyn Khasaaraha uu geystay xilliga oo habeen ahayd aawdgeed ayaa la sheegay in labada dhinac ay isku adeegsadeen Hubka nuucyadiisa kala duwan.

Ciidamada dowladda iyo Kuwa Jabuuti ee ku sugan Magaalada B/weyne ayaa waday muddooyinkii dambe qorsho ay ku doonayaan in Al Shabaab ay kaga sifeeyaan guud ahaan Gobolka Hiiraan.

Shabelle