Weeraro iyo Qaraxyo ka ka kala Dhacay Magaalooyinka Kismaayo iyo Marka

0
871

Kismayo20130608Iska Hor imaadyo Khasaaro geystay ayaa xalay waxa ay ka dheceen Garoonka Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Iska Hor’imaadka oo khasaaro geystay ayaa u dhexeeyay Ciidamada Raaskaambooni iyo Kooxo ka tirsan Ururka Al Shabaab waxaana uu ka dhacay Nawaaxiga Garoonka Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Dhanka kale Qaraxa Khasaaro Geystay ayaa xalay waxa uu ka dhacay Saldhig Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay ku leeyihiin Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sh/hoose.

Goob Joogayaal ayaa Shabelle u xaqiijiyay in qaraxa Khasaaro uu geystay hase ahaatee illaa iyo iminka aan la ogeyn xadiga ay la egtahaya khasaaraha ka dhashay qaraxaasi.

Ma jirto Cid sheegatay Masuuliyadda qaraxaasi balse waxa uu qeyb ka yahay qal qal amni xumi oo Maalmihii dambe ka taagnaa Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sh/hoose.

Shabelle