Xildhibaannada Golaha Shacabka Oo Go’aan Kasoo Saaray Dhacdadii Westgate

0
875

JeylaniIkar20130704Mudaneyaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulan ay maanta ku yeesheen xarunta Golaha Shacabka waxa ay go’aan kasoo saareen weerarkii 21-kii bishan lagu qaaday xarunta ganacsiga Westgate ee magaalada Nairobi iyadoo mudanayaasha Baarlamaanku ay Xukuumadda usoo jeediyeen iney dalalka deriska ah la saxiixato heshiisyo iskaashi oo laga yeelanayo ammaanka iyo la dagaalanka argigixisada.

Fadhiga Xildhibaannada Golaha Shacabka ee maanta waxaa shir gudoominayey Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Baarlamaanka Mudane Jeylaani Nuur Ikar waxaana uu ugu horeyn sharaxay go’aan Golaha shacabka uu ka soo saaray weerarkii argigixisanimo ee lagu qaaday suuqa Westgate isagoo xusay in markuu arkay mabda’a aasaasiga ah ee lagu dhisay Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ku saleysan Diinta Islaamka iyo sunada Nabigeenna Muxammad (NNKHA) ayuu sheegay in marka ugu horeysaba uu Baarlamaanku cambaareynayo weerarkaasi argigixisanimo ee loo geystay dad aan waxba galabsan oo rayid ah.

Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Golaha Shacabka Mudane Jeylaani Nuur Iikar waxa uu tacsi u diray dowladda, shacabka iyo qoysaskii ay ka geeriyoodeen dadkaas waxaana uu ku baaqay in dalalka deriska ah ay iska kaashadaan la dagaalanka argigixisada.

Dhinaca kale Xildhibaannada Baarlamaanka ayaa kulankoodii maanta waxa ay warbixinno kaga dhageysteen Xildhibaannadii Baarlamaanka ee tagay qaar ka mid ah gobollada dalka mudadii fasaxa uu Baarlamaanka ku jiray taasi oo qeyb ka ah howlaha Baarlamaanka waxaana Xildhibaan Daahir Xasan Cabdi uu Golaha shacabka ka hor aqriyey Warbixin la xiriirta xaaladda gobolka Hiiraan oo uu Xildhibaanku ku ammaanay ciidammada Hiil walaal ee ka socda Jamhuuriyadda Jabuuti iney gacan weyn ka geysteen hormarka gobolka.

Radio Muqdisho