Waxaa maanta qabuuraha muslimiinta ee ku yaala magaalada Nairobi lagu aasey Allaha u naxriistee Yaasiin Xirsi Diiriye oo ka mid ahaa dadki lagu laayey suuqa weyn ee loo yaqaano West Gate Mall oo ku yaal magaalada Nairobi.
Duuqta Yaasiin ayaa ka soo qeyb galey Cali Amerika safiirka Somaaliya ee Kenya, xildhibaan Dalxa, siyaasiga Cabduraxmaan Baadiyo iyo dad tiro badan oo ka mid ah Soomalida ku nool magaalada Nairobi. Marxuumka wuxu ka mid ahaa shaqaalaha hey’adda IIDA xafiiska ay ku leeyihiin magaalada Nairobi.
Allaha u Naxariistee Yaasiin Xirsi Diiriye ayaa la sheegay in ay la socotay xaaskiisa Maryan Yaasiin Xaaji Jirde balse iyadu ay ka badbaaday weerarkaasi.
Waxaa sidoo kale weerarkaasi ka badbaadey xildhibaanada kala ah Burci Sayid Xamza iyo Cali Khaliif Galeyr oo ku sugnaa gudaha suuqa West Gate Mall marka uu ka dhacaayey weerarkaasi, ayna ka baxsadeen suuqa ayagoo nabad qaba.
Tiro aan la garanayn oo la-haystayaal ah ayaa wali ku xanniban dhismaha xarunta Westgate ee laga dukaameysto ee bartamaha caasimadda Kenya.
Ugu yaraan 59 qof ayaa dhimatay, 170 kale waa ay dhaawacmeen kaddib markii maleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab ay weerar kadis ah ku qaadday xarunta gacansiga ee Westgate.