20 arday oo Soomaali oo ka qalin jabiyey jaamacadda Bugema ee Kampala

0
1167

BugemaUniversityIn ka badan 20 Arday Soomaali ah ayaa ka mid ahaa 1500, oo arday ka qalin jabisay jaamacadda Bugema University ee magaalada Kampala, ee xarunta dalka Uganda, ayaa xaflad qalin jebin ah loogu qabtay xarunta jaamacadda.

Ka qeyb galayaashii xafladda iyo barayaasha Jaamacadda, ayaa ku ammaanay ardayda Soomaalida ah ee wax ka barata jaamacadda qaabka wax barashada iyo fir fircoonida ay muujiyaan ardayda Soomaalida xilliga wax barashada.

C/rashiid Ibraahim Yuusuf oo ka tirsan ah ardayda ka qalin jebisay Jaamacadda Bugema University ee magaalada kampala, oo la hadlay Bar-kulan ayaa sheegay in wax badan ay ka faa’iideysteen tacliinta ay ka dhigteen jaamaccada, isla markaana uu aqoontiisa ku anfici doono waddankiisa.

Arday badan oo Soomaali ayaa wax ka barta Jaamacadaha k magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Bar-kulan