Danjiraha Soomaaliya u fadhiya magaalada Nairobi ee dalka Kenya, Maxamed Cali Nuur ayaa xaqiijiyay in saddexdii maalmood ee la soo dhaafay 23 qof oo Soomaali ah lagu xiray garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi.
Danjiraha ayaa Bar-kulan u sheegay in dadka la xiray ay ahaayeen xujey u socotay dalka Sacuudiga, kuwaas oo baasaboorro Soomaali ah oo ay wateen loo saaray sharciyo degganaasho oo been-abuur ah.
Wuxuu sheegay inay dowladda Kenya kala hadleen sidii loo sii deyn lahaa dadkaas.
Xujeyda waxaa ku jira dad da’ah oo ka yimid xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee gobolka Waqooyi-bari Kenya.
Bar-kulan