Ciidamada Booliska degmada Beledweyne ayaa maanta gacanta kusoo dhigay Aabe 4 carruur ah oo uu dhalay ku dilay deegaan hoostaga magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Falkaan ayaa waxa uu ka dhacay deegaan qiyaastii 30 km dhanka koofur bari kaga beegan magaalada Baladweyne waxaana la tilmaamay in Aabaha dhalay carruurtaasi oo lagu magacaabo Cumar Shire Xuseen uu gowracay 4-ta carruurta ah.
Dadka deegaanka ayaa bilaabay in ay aasaan carruurtaasi, maadaama aabaha dhalay uu isagu dilay, haatanna uu ku xiranyahay saldhiga booliska.
Cumar Shire Xuseen ayaan la ogeyn sababa ka dambeysay in uu dilo carruurtaasi, iyadoo boolisku ay haatan weydiinayaan su’aalo la xiriira waxa ku kalifay falkaasi in uu kula kaco carruurtiisa.
Carruurta la gowracay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Yoonis, Sakariye, Idiris iyo Yaxye
Cumar Shire Xuseen oo ah aabaha dilka u geystay afartiisa carruurta ah ayaa waxa uu labo sano ka hor ka yimid dalka Canada, halkaasi oo markii hore ku noolaa.
Hooyada dhashay Carruurta la gowracay oo lagu magacaabo Qadro Xuseen ayaa iyada oo ku sugan Muqdisho waxa ay warbaahinta Qaranka u sheegtay inay alle aaminsan tahay. iyadana awalba alle uu siiyey carruurtaasi balse wixii dhacay ay ka xun tahay, waxaana ay xustay in aabaha dhalay carruurta ay ku ogeyn qof caafimaad qaba.
Qadro ayaa xustay in carruurteeda ay ugu dambeysay muddo sadax sano ah.
Radio Muqdisho