Ahlusunna Waljamaaca oo ka soo horjeesatay Shir Maamul loogu sameynayo Gobollada dhexe

0
876

AhlusunaSheekh Axmed Cabdullaahi Ilka Case Guddoomiye Ku xigeenka Guddiga Fulinta Culumaa’udiinka Ahlusunna Waljamaaca oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Culumaa’udiinka Ahlusunna Waljamaaca ay kulan ka yeesheen Kulan Maanta ka furmaya Magaalada Nairobi ee Caasimada dalka Kenya kaasi oo la qorsheynayo in Maamul Goboleed loogu dhiso Gobollada dhexe ee dalka Soomaaliya.

Sheekh Axmed Cabdullaahi Ilka Case ayaa Xusay in Shirkaasi ka dhacaya Nairobi in aanu ahlusunna Waljamaaca ka qeyb geleynin ayna ka soo horjeedaan qodobadii ka soo baxa Shirka Maanta ka furmaya Magaalada Nairobi ee Caasimada dalka Kenya.