Al Shabaab oo cuno qabateyn saaray Dekada Kismaayo

0
1681

kismayo20130610Sida illo lagu kalsoonyahay oo ku dhow Dekada Magaalada Kismaayo oo la hadlay Idaacadda Sky FM ee Magaalada Muqdisho ay u xaqiijiyeen ayaa sheegay in Xaradaka Al Shabaab ay cuno qabateen dhaqaalo ay ku soo rogeen Dekada Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubda Hoose.

Ilaahan lagu kalsoon yahay oo iminka ku sugan Kismaayo ayaa sido kale sheegay in Al Shabaab ay ku hanjabeen Gaarigii wax ka soo qaada Dekada Magaalada Kismaayo in ay gubi doonaan iyadoona aan la ogeyn sababta Al Shabaab ay u cuna qabateeyeen Dekadaasi.

Dekada Kismaayo ayaa waxaa Dhaqaalo dhinacyo badan taabanayo ay ka soo galaan Maamulka KMG ah uu iminka hogaamiyo Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyadoona la sheegay in Dhaqaalahaasi ay intabadan ka soo galaan Dekada Dhoofinta Dhuxusha.

Wararka ayaa waxaa sidoo kale ay sheegayaan in Dagaal yahanada Ururka Al Shabaab ay ku sugan yihiin Duleedka Magaalada Kismaayo kuwaasi oo lagu amray Gaarigii Dhuxul ka soo Daabula Dekada Kismaayo in ay gubaan.

Ganacsatada qaar oo la hadlay Wararka 24ka Saac ee Idaacadda Sky FM ayaa su’aalo waxaa laga weydiiyay in hanjabaadii ka soo yeertay Al Shabaab iyagoona ku jawaabay in Shaqadii ay ka hayeen gudaha Dekada Kismaayo ay joojiyeen sababo ay ku sheegeen dhanka amnigooda.

Ganacsatadan ayaa waxa Shaqadooda aheyd Gubida ama Sameynta Dhuxusha laga Dhoofiyo gudaha Dekada Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose iyadoona Shaqaalaha Dekada ay intooda badan Shaqadii ay joojiyeen kadib markii Al Shabaab ay hanjabaad ka soo yeertay.

Ilaa iyo hada majiro wax war ah oo ka soo baxay Maamulka KMG ah ee Juba oo iminka gacanta ku haya Maamulka Dekada Kismaayo kaasi oo ku aadan hanjabaadi loo jeediyay Shaqaalihii ka howlgalayay Dekada Kismaayo.

Al Shabaab oo ku sugan Duleedka Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa mararka qaar waxa ay Dagaalo xoogan Magaalada Kismaayo kula galaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya kuwa Kenya oo isku dhinac ah iyo Maamulka KMG ah ee dhawaan loo magacaabay gacan ku haynta Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose.

 

Shabelle