Al-Shabaab oo dhoolatus milateri ku soo bandhigay Buulo Burde

0
880

ShabaabBuleburteDagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa dhoolatus milateri ku soo bandhigay degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan, iyadoo dhoolatuskan ay ka qeyb qaateen gaadiid dagaal iyo mootooyin.

Xoogaga Shabaab ee soo bandhigay dhoolatuskan ayaa watay boorar ay ku qornaayeen Erayo English ah oo ahaa fariimo ku socday dalka Kenya.

Gaadiidka dagaalka iyo mootooyinka ka qeyb qaatay dhoolatuskan ayaa ku soo wareegay xaafadaha magaalada Buulo Burde iyo wadada dheer ee laamiga, waxaana ka soo qeyb galay oo daawanayay dadweynaha reer Buulo Burde.

Halku dhigyada ayaa ku qornaa in Kenya laga aar-gudan doono muslimiinta ay leysay, iyadoo mid ka mid ah boorarka uu ku qornaa weerarkii Westgate inuu hada bilow yahay.

Xarakada Al-Shabaab ayaa 21-kii bishii hore sheegatay weerarkii ka dhacay xarunta Ganacsiga Westgate, kaasoo ay ku dhinteen ilaa 67-ruux.

Jowhar.com