Sida lagu soo daabacay Wargayska New york Times ee kasoo baxa dalka Maraykanka ayaa waxa la sheegay in Xarakada Al-Shabaab ay dhaqaalo farabadan ka helaan Foolka Maroodiga, afduubyada iyo lacagaha Madaxfurashada, dhoofinta dhuxusha iyo weliba lacagaha ay bixiyaan Haayadaha gargaarka , lacagahaasi oo ay Dhaq dhaqaaqa AL-Shabaab ku fuliyaan weerarda ay kagaystaan wadamada Bariga Africa sida weerarkii Nairobi ayaa lagu yiri warbixintaasi.
Warbixinta ayaa waxa sidoo kale lagu sheegay in Xarakada AL-Shabaab ay lunsadaan lacagaha loogu talagalay Sadaqada Islaamka, sida Mashruucyada dhismaha Masaajida iyo Schoolada sida laga soo xigtay ayuu wargaysku leeyahay waxgaradka Soomaaliyeed.
Wargayska oo soo xiganaya Qaar ka tirsan Odayaal dhaqameedyada Soomaaliyed ayaa waxa uu sheegay in shaqaalaha Al-Shabaab u qaabilsan lacagaha ay ka qaadayaan tusaale ahaan hadii aad leedahay Dhul beereed ku kacaya lacag gaaraysa $500 dollar lacag dhan 2 Dollar Jawaan kasta, marka aad ka gudbinaysid Baraha Kontarool ee ay maamulaan.
Warbixinta ayaa waxaa sido kale lagu sheegay in Dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab ay ku xisaabtamayaan lacagaha qofka shaqsi ahaan u soo gala sida uu wargayska u sheegay Maxamad Cabdullaahi Aadan ( Tiiceey ) oo ahaa Madaxweynihii hore ee Maamulka Ximin iyo Xeeb, wargayska oo soo xiganaya Madaxweynihii hore ee Ximin iyo Xeeb ayaa waxa uu sheegay in ay waajib kugu tahay in aad u hogaansato awaamiirta, Xarakada AL-Shabaab hadii kale ay ku dilayaan.