Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage oo warbaahinta la hadlay ayaa jawaab ka bixiyay war kasoo baxay xog hayaha Q/midoobay Ban Ki-moon kaasoo ah in ay Soomaaliya usoo dirayaan askar dheeraad ah oo tiradoodu gaareyso 4,500 oo askari iyo qalabkooda.
Sh/Cali ayaa tilmaamay in arintaan ay muujineyso Ciidanka jooga hada in ay ku fashilmeen howlgalka Somalia, taa micnaheeduna uu yahay inaaney afar kun waxba kusoo kordhin Karin meel ay labaatan kun ka quusatay.
Sidoo kale Sheekh Cali ayaa sheegay in ciidamada Amisom ee jooga Soomaaliya looga dilay kumannaan askari, isagoo tusaale usoo qaatay saddaxdii kun ee ay shegeen in Somalia ay uga geriyootay.
Warkii