Axmed Madoobe: Kama qeyb-gali doonno shirka dib-u-heshiisiinta Jubbooyinka ee Muqdisho

0
977

HeshiiskaDowladaSomaliyaIyo Jubaland20130829_1Hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kismaayo ayaa sheegay in aysan ka qeyb gali doonin shirka dib u heshiisiinta Jubbooyinka oo 21-ka bishan lagu wado in lagu qabto magaalada Muqdisho.

Axmed Madoobe ayaa xusay in heshiiskii dhex maray maamulkiisa iyo dowladda federeraalka ah ee Soomaaliya uu dhigayay in madaxda maamulkiisu ay tagaan Muqdisho, taasoo ay fuliyeen, kaddibna shir dib u heshiisiineed lagu qabto magaalada Kismaayo.

Wuxuu tilmaamay in aysan qorshaha ugu jirin ka qeyb galka shir looga arrinsanayo arrimaha Jubbooyinka oo lagu qabto magaalada Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa saddexdii bishan dib u dhigtay shirka dib u heshisiinta Jubbooyinka oo shanta bishan la filayay in wajiga koowaad lagu qabto Muqdisho, halka wajiga labaadna loo qorsheeyay in lagu qabto magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.

 

Bar-kulan