Axmed Madoobe oo Kismaayo ku qaabilay Siyaasiyiin uu hoggaaminayo Cumar Cabdi Rashiid

0
902

KismayoCityIyadoo dhawaan ay gaareen Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose xubno uu hoggaaminayay Ra’isal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdi Rashiid Cali Sharma’arke islamarkaana ay ka mid ahaayeen Cali Max’ed Geedi , Prof Max’ed Cabdi Gaandi iyo Siyaasiyiin ka soo duulay Magaalada Nairobi oo si weyn faraha ugula jira Arrimaha siyaasadeed ee Jubbooyinka ayaa lagu soo warramayaa in xalay halkaasi ay kulan kula qaateen Guddoomiyaha Maamulka Jubba ee Axmed Madoobe.

Siyaasiyiintaan ayaa kala hadlay Axmed Madoobe sidii Shirka Arrimaha Jubbooyinka loogu qaban lahaa Magaalada Kismaayo , xilli Heshiiskii Adis-ababa uu dhigayay in shirkaasi lagu qabto Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Dhanka kale Masuuliyiintaan ayaa la sheegay in ay isku waafaqeen in la dhameystiro Xubnaha Maamulka KMG ah ee Jubba.

Axmed Madoobe ayaa dhawaan ku dhawaaqay in Maamulkiisa uu ka qeyb galayo Shirka Jubbooyinka haddii lagu qabanayo Magaalada Kismaayo ama deegaanada Jubbooyinka oo qura.

Shabelle