Baarlamaanka oo dib u dhigay aqrinta Koowaad ee hindise sharciyeedka bankiga horumarinta Soomaaliya

0
1156

JeylaniIkar20130704Fadhiga Baarlamaanka ee maanta sida u horey u ballan qaaday Guddoomiye ku xigeenka Koobaad ee Baarlamaanka Mudane Jeylaani Nuur Iikar oo shirka Guddoominayey waxa uu ahaa aqrinta koobaad ee hindise sharciyeedka Bankiga Horumarinta Soomaaliya balse Gudoonka Baarlamaanka ayaa ku dhawaaqay in ajandaha ku aadan aqrinta Koobaad ee hindise Sharciyeedka Bankiga Horumarinta dalka dib loo dhigay ayadoo Baarlamaankana uu ka codsaday Wasiirka Wasaaradda Maalliyadda iyo Qorsheynta inuu horyimaado Golaha Shacabka si uu hindise Sharciyeedkan uga hor aqriyo.

Mudaneyaasha Baarlamaanka ayaa sidoo kale maalinnimada berrito ah waxaa ajandayaashooda qeyb ka noqon doona in Baarlamaanku eego heshiiskii ay wada galeen Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo shirkadda Favori oo ah shirkad laga leeyahay dalka Turkiga taasi oo dhowaan ay Xukuumaddu ku wareejisay maamulka garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale ayadoo fadhiyada joogtada ah ee howl maalmeedka Golaha Shacabka ay socdaan waxaa hadana bar bar soconaya shaqooyin kale oo ay wadaan gudiyada Baarlamaanka ayadoo gudiga Xeer Hoosaadka ee Baarlamaanka uu maanta qeyb ka mid ah ku shaqeynayey, sidoo kalena Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa kormeeray howl maalmeedka gudiga dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka.

Dhammaan howlahan waxa ay qeyb ka yihiin shaqooyinka loo igmaday Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Radio Muqdisho