Baarlamaanka Puntland oo maanta lagu wado in la kala diro

0
914

MadaxtooyadaPuntland20130417Baarlamaanka Puntland ayaa maanta la filayaa in la kala diro, iyadoo odayaasha dhaqanka ay soo xuli doonaan Xildhibaano cusub oo shanta sano ee soo socota ka mid ahaanaya Baarlamaanka Puntland.

Wararka laga helayo magaalada Garowe ayaa sheegaya in shir lagu kala dirayo baarlamaanka Puntland uu maanta ka dhici doono, kaasoo ay ka qeyb galayaan Madaxda Puntland.

Baarlamaanka Puntland ayaa waqtigiisa ku eg maanta oo 31-october tahay taariikhda, waxaana dadka reer Puntland ay wal wal ka muujinayaan in mudada loogu tala galay in lagu kala diro ay dib u dhacdo.

Waxaa socda kulamo ay leeyihiin Isimada iyo odayaasha dhaqanka Puntland, kaasoo ay ku soo xulayaan Xildhibaano cusub oo soo doorta Madaxweynaha Puntland.

Ilaa 10-musharax oo uu ku jiro Madaxweynaha talada haya ayaa u taagan doorashada Madaxtinimada Puntland ee dhici doonta 8-da Janaayo.

Maamulka talada haya ee xilkiisa sii dhamaanaya ayaa ku howlan sugida ammaanka Puntland, inta ay socoto ololaha doorashada.

 

Jowhar