Booliska Uganda oo heegan la galiyay

0
1216

UgandaMapWararka ka’imaanaya magaalada Kampala ee Caasimada Uganda, ayaa sheegaya in Ciidamada Booliska la galiyay Heegankii ugu sareeyay kadib markii la helay fariimo sheegaya in Al-shabaab ay doonayaan ineey weeraro ka geystaan Goobo ku yaal dalkaas.

Saraakiisha booliiska Uganda ayaa sheegay maanta oo Jimco ah in warar ku saabsan arrintan ay ka heleen ilo wareedyo ay ku kalsoon yihiin, iyadoo ay safaaradda Mareykanka ee Uganda ay digniinteeda ku sheegtay in weerarka uu noqon karo mid la mid ah kii Al-shabaab ay ka geysatay Nairobi.

“Dingiinaha deg-degga ah ee ku saabsan weerarro argagaxiso oo dhaca si aad ah ayay sare ugu kaceen,” ayuu yiri ku xigeenka taliyaha booliiska dalka Uganda, Patrick Onyango oo intaas raaciyay in safaaradda Mareykanka ay la wadaagi doonaan warbixinnada ku saabsan arrintan.

“Gabi ahaan saraakiisha booliiska Uganda ee ka maqan Kampala waa loo yeeray, iyadoo laga dalbaday inay joojiyaan howl walba oo ay hayaan ayna kusoo laabtaan caasimadda,” ayuu Onyongo hadalkiisa ku daray.

Safaaradda Mareykanka ee Kampala ayaa ku baahisay shabakad ay gaarka u leedahay in Al-shabaab ay qorsheynayso inay weerar u qorsheysan sidii kii ka dhacay Westgate Mall ay la damacsan yihiin Kampala, balse safaaraddu ma aysan bixin warbixin dheeraad ah oo ku saabsan arrintan.

Ciidamada ka socda dalalka Uganda, Kenya iyo Burundi ayaa udub-dhexaad u ah howl-galka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo lagu magacaabo AMSIOM, kaas oo lagula dagaalamayo Al-shabaab si looga caawiyo dowladda Somalia inay hanato dalka oo dhan.

 

Midnimo