Bulshada Ku Dhaqan Magaalada B/weyne oo Soo Dhaweeyay Maamul Sameysashada ka Socota Gobolka

0
894

BeledweyneBulshada ku dhaqan gobolka hiiraan gaarahaan magaalada b/weyne ayaa si weyn u soo dhaweeyay hadalka ka soo baxay wasaarada arrimaha gudaha iyo amina qaranka xukuumadda soomaaliya,kaasi oo ku aadanaa in ay furantahay xulashada ergooyinka degmooyinka gobolka uga qeyb galaya shir weynaha doorashada maamulka gobolka hiiraan.

Qaar ka mid ah dadweynaha ku nool magaalada b/weyne ayaa soo dhaweeyay in gobolka ay dhacaan doorashooyin xur ah oo qof waliba uu codkiisa dhiibto soona doorto qofka uu doonayo.

Shacabka ayaa sheegay in ay aad u rajeynayaan in gobolka hiiraan uu noqdo gobolkii ugu horeeyay ee ka baxa KMG ka,islamarkaana dadka ku dhaqan ay sameeystaan maamul ay u dhanyihiin.

Dadweynaha ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin in dadka ay isi soo doortaan maadaama sanadihii ugu danbeeyay la soo magacaabayay dadka xilalka ka qabanayo gobolka hiiraan.

Shacabka ayaa sheegay in ay muddo sugayeen in doorashooyin ay u madax badanaanyihiin dadka ay ka dhacaan gobolka hiiraan.

Horey ayaa waxaa hadalkan ka soo baxay wasaarada arrimaha gudaha iyo amniga qaranka u soo dhaweeyay maamulka gobolka hiiraan heer gobol iyo heer degmo iyo sidoo kale odoyaasha dhaqanka gobolka hiiraan.

Agaasimaha guud ee wasaarada arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Cali Abtidoon xalane ayaa shalay ku dhawaaqay in 16ilaa 25ka bishan ay furantahay xulashada ergooyinka degmooyinka gobolka u matalaya shir weyne lagu soo xulayo golaha deegaanka ka dibna golahaasi ay dooraan doonaan maamulka gobolka hiiraan.

 

Radio Muqdisho