Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) oo ah Afhayeenka Guud ee Al-shabaab, ayaa dafiray inuu xiriir u dhaxeeyo iyaga iyo Col. Barre Aadan Shire Hiiraale oo dagaal looga soo saaray Kismaayo.
Cali Dheere oo ka hadlayay Dood ka baxeysay Qolka Paltalk ee loogu magac daray Somali Islamic Dacwatu Towxiid ayaa ku tilmaamay wararkaas kuwo been abuur oo barobagaan ah.
“Ma jiro wax xiriir ah oo noo dhaxeeya anaga iyo Barre Hiiraale, waxaa ogeyn asigii ka mid ahaa Ridada, meel uu ku towbad keenay ma ogeyn iyo Media laga maqlay, marka warkaas waa been oo barabagaan ah” ayuu yiri
Hadalka kasoo yeeray Cali Dheere, ayaa imaanaya kadib eedeymo dhowr ahaa oo maamulka KMG ee Jubba, islamarkaasna uu hogaamiyo Axmed Madoobe, ay Barre Hiiraale ku eedeeyeen inuu xiriir kala dhaxeeyo Al-shabaab.
Barre Hiiraale iyo Ciidamo uu wato, ayaa haatan ku sugan meel duleedka ka ah magaalada Kismaayo, oo lagu magacaabo Goof-gaduud.
Warkii