Ciidamada qalabka sida ee Soomaliyeed ee ku sugan gobolka Baay ayaa howlgalo ka dhan ah maleeshiyaadka Shabaab ka fuliyay meel u dhow degaanka Owdiinle.
Maxamed Isaaq Caraaye oo ah gudoomiyaha maamulka deegaanka Owdiinle ee gobolka Baay ayaa Radio Muqdisho u sheegay in howlgalkaasi ay ciidamadu ka fuliyeen deegaanka Qansax oomane oo ka tirsan degmada Bardaale ee gobolka Baay.
‘’Ciidamadu waxa ay weerar ku qaadeen maleeshiyaad ka tirsan Shabaab oo dhibaatooyin ku hayay gaadiidka isaga kala goosha gobolada Baay iyo Gedo, weyna ku guuleysteen ciidamadu gaadiidkiina wey soo fasaxeen’’ sidaasi waxaa yiri gudoomiyaha mamulka Owdiinle.
Gudoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray in maleeshiyaadka ay halkaasi ku heysteen gaadiid u rarna ganacsato iyagoo ku amray in midkiiba bixiyo Kun iyo Shan Boqol oo Doolar, wuxuuna xusay in ciidamada XDS ay ku guuleysteen in ay soo daayaan gaadiidkaasi.
Bilihii ugu dambeeyay ayaa ciidamada XDS waxa ay deegaannadaasi ka wadeen howlgalo lagu xaqiijinayo ammaanka loogana hortagayo dhibaatooyinka maleeshiyaadka Shabaab u geystaan shacabka Soomaaliyeed.
Radio Muqdisho