Ciidamada XDS oo la wareegay saldhigyo ciidan oo Shabaab ku lahaayeen deegaanno ka tirsan G/Bakool

0
927

Ciidamadaxooga2Ciidamada qalabka sida ee Soomaalia oo ku sugan gobolka Bokool ayaa howlgallo ka dhan ah maleeshiyaadka Shabaab ka fuliyay deegaanno hoostaga magaalada Xudur ee xaruunta gobolka Bokoool.

Gudoomiyaha gobolka Bakool Maxamed Cabdi Tool ayaa Radio Muqdisho u sheegay in ciidamada XDS ay ee ku sugan nawaaxiga degmada Xudur ay weerar ku qaadeen islamarkaana ay burburburiyeen saldhig ay maleeshiyaadka Shabaab ku lahaayeen deegaan lagu magacaabo Qeyd Cadde oo 18 km u jira degmada Xudur.

Sidoo kale gudoomiyaha ayaa xusay in howlgalkaasi ay ciidamadu ku dileen tiro maleeshiyaad ah oo ka tirsan argagixisada Shabaab, wuxuuna intaasi raaciyay in uu yaraa qasaaraha soo gaaray ciidamada iyo dadka rayidka ah.

‘’Waa mid ka mid ah talaabooyinka an ugu talagalnay ineynu ku ciqaabno cadowga ku sugan gobolka Bakool’ ayuu yiri Maxamed Cabdi Tool.

Arintani ayaa qeyb ka ah howlgalada dalka lagaga xoreynayo maleeshiyaadka argagixisada ah ee Shabaab kuwaas oo dhibaatooyin xad dhaaf ah ku haya shacabka ku nool deegaanada ay weli kaga harsanyihiin dalka.

Radio Muqdisho