Ciidanka Booliiska Oo Gacanta Ku Soo Dhigay Taliyihii Ciidamada Asluubta Oo Maxkamada Ciidamadu Hore Ugu Xukuntay Xabsi Daa’in

0
939

TaliyihiiAsluubtaLaXirey20131030Waaxda Baarista dembiyada ee CID ayaa faah faahin ka bixiyay howlgal lagu soo qabtay Taliyihii hore ee ciidamada Asluubta oo Maxkamada ciidamada qalabka sida hore ugu xukunta xabsi daa’in.

Ex-Sareeye Guuto Cabdi Maxamed Ismaacil oo ahaa taliyihii hore ee ciidanka Asluubta Soomaaliyeed islamarkaana Maxakamada ciidamada qalabka sida ku xukuntay xabsi daa’in kadib markii lagu helay dembi ah in uu sii daayay maleeshiyaad ka tirsanaa Al shabaab ayaa ciidamadu ku soo qabteen howlgal ay ka sameeyeen degmada Wadajir oo uu ku dhuumaaleysanayay.

Sareeye guuto Siciid Axmed Kadiye oo ah taliyaha waaxda baarista dembiyada ee ciidaanka booliiska oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in waaxda baarista dembiyadu ay gacanta ku soo dhigtay Taliyiihi hore ee ciidamada Asluubta oo Maxkamada ciidamada qalabka sida ay hore ugu xukuntay xabsi daa’in kadib markii lagu helay inuu xiriir la leeyahay dhaqar qabayaasha Shabaab.

“Dambiile Cabdi Maxamed Ismaaciil Ex- S/guuto oo maxkamada ciidamada qalabka sida ku xikuntay xabsi daa’in kadib markii uu gacan saar la yeeshay Shabaab markii la ogaadayna uu ka baxsaday dalka, isagii oo caawa saacadu markey aheyd Laba saac iyo bar ku dhuumaaleysanaya xaafada Madiina ayaa ciidamada amniga oo hore ugu raad joogay ku guuleysteen iney gacanta ku soo dhigaan’’ Sidaasi waxaa yiri Siciid Axmed Kadiye Taliyaha waaxda Baarista dembiyada ee CID.

Taliyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa tibaaxay in qalabka lagu soo qabtay dambiilaha ay ka mid ahaayeen Computer iyo Laba Taleefoon oo sida uu sheegay taliyuhu la baarayo, sidoo kale taliyaha ayaa ku goodiyay in cid kasta oo dambi gasha la daba joogo loona soo qaban doono sida loo soo qabtay Cabdi Maxamed Ismaaciil.

 

Radio Muqdisho