Dableydii weerartay Xarunta Ganacsiga Westgate oo ahaa afar rag oo hubeysan (Sawirro-Video)

0
975
Dableydii weerartay Xarunta Ganacsiga Westgate oo ahaa afar rag oo hubeysan

Warbaahinta caalamiga ayaa wali warbixino ka qoraya weerarkii Westgate Mall ee 21-kii September ay ku qaadeen dabley hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaasoo dilay ilaa 67ruux isugu jiray dadkii ka shaqeynayay xarunta ganacsiga iyo dadkii u soo adeeg doontay.

Telefishinka Sky News ayaa soo bandhigay muuqaal muujinaya in raga dableyda ee weerartay ay ahaayeen afar rag oo aad u hubeysan, waxaana qabatay kaamirada qarsoon ee loo yaqaano CCTV.

Ragan ayaa qolalka baqaarada ahaa ka raadinayay hadii dad ku jiraan, waxayna u muuqdeen kuwo aan wax wal wal ah qabin, mid ka mid ah ayaa taleefan ku hadlayay, waxaa uu kormeerayay qolalka, iyo meel Computero laga hago ee ay ku rakiban yihiin Kaamirooyinka.

Wasiirka Arrimaha gudaha Kenya Joseph Ole Lenku ayaa sheegay maalin kadib weerarkii Westgate in kooxaha weeraray xarunta ay gaarayaan 10-15, waxaana muuqaalkan uu beeninaya hadalkaas.

Dhalinyarada weerartay ayaa afar maalmood iska caabinayay Ciidamada Kenya iyo kuwo Ajnabi, waxaana howl galkaas uu muujinayay itaal dari ciidamada Kenya ah, oo bedelkii ay howl galka fulin lahaayeen ku mashquulay boob iyo bililiqo.

Jowhar

Westgate20131005_2