Madaxa Shirkadda Dahabshiil ayaa sheegay in ay maanta sugayaan go,aanka Maxkamada Sare ee dalka UK ka gaari doonto dacwad u dhaxaysa Shirkada Dahabshiil iyo Bangiga lacagta Barclays oo mudooyinkaa soo socotay.
Waxa uu sheegay Madaxa Shirkadaa in rajo fiican ka qabaan in go,aan ay ku farxaan Mxkamada soo saari doonto kaa oo ka gaarto dacwadaa hortaala waxa uuna sheegay Madaxa Shirkada dahabshiil in ay ku dacweeyeen sababtii Shirkada Dahabshiil looga reebay Shirkada kale akoonadooda sii shaqaynayaan.
Cabdi Rashiid ayaa ku eedeeyay Bangiga Lacagta Barclays in uu mideb sooc ku sameeyay shirkadaha Akoonada ku leh waxa uuna sheegay in Shirkadaha dadka Muslimiinta leeyahiin xiray kuwa gaaladana daayay hayeeshee rajo fiican ayuu ka qabaa in Maxkamada go,aan ka gaari doonto.
Madax Shirkada Dahabshiil oo BBC la hadlay ayaa xusay in dalka UK cadaalad wax lagu maamulo oo aysan ka jirin musuq maasuq waxa uuna rajo fiican ka qabaa in xaal laga gaari dooono arintaa soo noq noqtay ee waalaac badan galisay.
Warkii