Dagaal Al Shabaab iyo Ciidamada dowladda ku dhexmaray Bakool

0
916

Alshabaab1Dagaal Khasaaro sababay oo u dhexeeyay Ciidamada dowladda iyo Xarakada Al Shabaab ayaa waxa uu ka dhacay Deegaanno ka tirsan Gobolka Bakool.

Sida Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ay u xaqiijiyeen Goob Joogayaal ku sugan qeybo ka tirsan Gobolka Kooxo ka tirsan Al Shabaab ayaa saaka weeraro ku qaaday deegaanno duleedka ka ah degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool.

Saraakiilka ka tirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya oo ka warbixiyay dagaalkaasi ayaa sheegay inaanu jirin dhankooda wax khasaaro ah oo so gaaray.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Ururka Al Shabaab ee kuu aadan dagaalkaasi, waxaana dagaalkaan uu ku soo beegmayaa xilli howl gallo ka dhan ah Al Shabaab ay Ciidamada dowladda ka wadeen Maalmihii dambe deegaanno ka tisran Gobolkaasi Bakool.

Shabelle