Dhaq dhaqaaq Dagaal oo Saakay laga dareemayo deegaano ka tirsan Shabeelada Dhexe

0
935
Markacadeey.com

Markacadeey.comCiidamada DFS iyo kuwa AMISOM ayaa saakay dhaq dhaqaaq dagaal k wada deegaano ka tirsan Shabeelada Dhexe, waxaana sida la sheegay Ciidamadaan ay ku wajahanyihiin deegaano katirsan Gobolka oo ay wali maamulaan Al-shabaab.

Gudoomiye ku xigeenka maamulka gobolkaas iyo abaanduulaha ciidamada Shabeellaha dhexe ayaa saaka ku wajahan degmada Mahadaay ee gobolkaas,masuuliyiintan ayaa ku sheegay ujeedka safarkooda sidii ay bulshada Mahadaay ugala hadli lahaayeen xoreynta deegaanada kale ee ka tirsan gobolka ee ka maqan gacan ku haynta maamulkooda.

Taliyayaasha Ciidamada DFS iyo masuuliyiinta maamulka Gobolka Shabeelada Dhexe ayaa sheegay ineey Shabaab ka saarayaan deegaanada ay kaga harsan yihiin gobolkaas,degmooyinka Jowhar iyo Mahadaay ayaa waxaa lasoo sheegayaa in laga dareemayo dhaqdhaqaaq ciidan oo ay samaynayaan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Shabaab ayaa wali maamula deegaano badan oo katirsan Gobolka Shabeelada Dhexe, waxaana malmihii u danbeeyay socday dadaalo xoogan oo shabaab looga saarayo deegaanadaas.
Source: Midnimo