Qaxootiga DhadhaabDoowlada Soomaaliya, ayaa si xoogan u daafacday Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku jira Xeryaha dalka Kenya, kadib markii ay qaar kamid ah warbaahinta dalka Kenya ay qoreen in Qaxotiga Soomaaliyeed ay intooda badan xiriir la leeyihiin Al-shabaab.
Maxamed Cali Nuur Ameeriko, oo ah Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa si kulul uga hadlay warar ay qoreen warbaahinta dalka Kenya oo ku saabsan iney xeryaha qaxootiga ka yimaadaan dadka falalka amni xumo ka geystay gudaha magaalooyinka dalkaas
Maxamed Cali Nuur Ameerika Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa beeniyey in dadka Soomaaliyeed ee ku jira xeryaha qaxootiga kenya ay lug ku leeyihiin weerarada ka dhaca gudaha dalka Kenya,wuxuuna tilmaamay in laga been abuurayo.
wuxuuna sheegay in qaxootigu ay yihiin dad naftooda dhibaateysan isla markaane loo geysto dil dhac iyo kufsi intaba aysane wax lug ah ku lahayn eedeymaha loo jeedinayo ee la xiriira iney qayb ka yihiin amni xumada ka jirta dalka Kenya.
Safiirka ayaa ku dooday in qaxootiga Soomaaliyeed ay yihiin dad masaakiin ah oo ka cararay dhibaatada dalkooda ka jirta wuxuuna wax aan dhici karin ku tilmaamay in lagu eedeeyo iney dhibaato wadaan xilli ay iyagu dhibaato dalkooda uga soo carareen.
Danjire Ameerika ayaa sheegay inuu kala hadlay dowladda kenya inaan la dhibaateyn qaxootiga Soomaaliyeed ee dalkeeda martida ku ah.
Midnimo