Dowladda iyo Jubba oo ka heshiiyay qilaafkii shirka nabadaynta

0
883

AxmedMadoobeInMuqdisho20130908_1Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka Jubba oo baryahanba isku qilaafsanaa shirka dib-u-heshiisiinta dadka Jubbooyinka deggan ayaa ku heshiiyay in wajiga koowaad ee shirka lagu qabto magaalada Muqdisho.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ee xukuumadda Soomaaliya Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo si wadajir ah shir jaraa’iid ugu qabtay Kismaayo kaddib kulan laba maalmood u socday ayaa sheegay inay ku heshiiyeen qabsoomidda shirka.

Labada mas’uul ayaa sidoo kale isla meel dhigay in shirka kan xiga lagu qabto magaalada Kismaayo, sidoo kalana dib magaalada Kismaayo loogu soo celiyo ciidanka ku sugan duleedka magaaladaasi.

Maanta ayaa la filayay in wajiga 1-aad ee shirka dib u heshiisiinta uu ka dhaco magaalada Muqdisho, inkastoo uu baaqday.

 

Bar-kulan