Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in dadka barakacayaasha ah laga rari-doono Muqdisho, lana dejin doono…

0
914

QaxootiYemenWarkii

Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in qoysaska barakacayaasha ah ee ku sugan gudaha magaalada Muqdisho ay dejin doonaan xerooyin ka baxsan magaalada, kuwaas oo aysan sheegin maamulka in dadka ay heli-doonaan waxyaabaha aasaaska u nolosha binni’aadamka.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Maxamed Yuusuf oo shalay kula hadlay magaalada Muqdisho warbaahinta ayaa sheegay in maamulkoodu uu qorsheynayo in barakacayaasha ku nool Muqdisho ay dejiyaan bannaanka magaalada, wuxuuna yiri isagoo arrinkaasi ka hadlaya “Barakacayaasha ku sugan magaalada Muqdisho waxaa la dejin doonaa xero ku taala magaalada bannaannkeeda, halkaas oo ay ka heli doonaan iskuulo, caafimaad iyo waxwalba oo noloshooda aasaas u ah”.

Sidoo kale afhayeenku waxa uu sheegay in xeradaasi ay tahay meel aad looga shaqeeyay ayna ku heli doonaan dadka barakacayaash aah ammaan, isagoo xusay in howshan ay tahay mid lagu soo celinayo bilicdii magaalada Muqdisho, wuxuuna intaasi ku daray in dadka barakacayaasha aah ay qeyb ka yihiin bilic xumida magaalada ka jirta sida uu hadalka u dhigay afhayeenku.

Dhanka kale afhayeenka gobolka Banaadir oo wax laga weydiiyay arrintan ku saabsan dadka deggen garoonka diyaaradaha Muqdihso ee halkaas laga rarayo, kuwaas oo bannaanbax ka sameeyay arrintaas ayaa yiri “Horay ayaan dadkaas u siinay digniin, waayo halka ay deganyihiin ma ahan meel loogu talagalay in shacabku ay degaan, waxaana soo galaya jidka diyaaraduhu ay ku ordaan”.

Si kasta oo ay ahaataba qoysaska barakacayaasha ah ee ku nool Muqdisho ayaa waxay bilihii ugu dambeeyay aad uga cabanayeen in laga kicinayo xeryaha ay ku noolyihiin iyagoo aan garankarin goob ay aadaan, dowladduna aysan siin meel ay degaan, sidoo kale hadalka afhayeenka ayaa imaanaya iyadoo hay’adaha xuquuqda aadanaha ay dhowr jeer oo hore ka digeen in dadka barakaca ku ah Muqdihso la dejiyo xeryo aysan ammaan ku heli doonin.