Dowladda Uganda oo sheegtay in hanjabaadyada Al Shabaab aysan wax u dhimi doonin Ammaanka dalkeeda

0
929

UgandaMapAfhayeen u hadlay ciidamada Uganda ayaa sheegay in maalmihii u dambeeyay Xarakada Al Shaab ay soo dhigayeen baraha internetka in ay weeraro xoogan ay ku qaadayaan Magaalooyinka dalka Uganda waxaana intaasi uu ku daray in ay ka feejiganyihiin ciidamada Uganda qatar kasta oo uga timaada Xarakada Al Shabaab.

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in Safaaradda Mareykanka ee dalka Uganda ay ku war gelisay Xogo ay heleen Sirdoonka Mareykanka ee ku aadan cabsi laga qabo weeraro ka dhaca dalkaasi Uganda.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Afhayeenku sheegay sidoo kale in ciidamadoo aysan kabixi doonin gudaha dalka Soomaaliya, tan iyo inta Soomaliya ay Cagaheeda isaga taageyso.

Bishii lasoo dhaafay ayaa waxa uu weerar kadhacay Magaalada Nairobi ee dalka kenya kaasoo galaaftay nolosha in kabadan 67 qof halka ay ku dhaawacmeen 175 ruux kale.

 

Shabelle