Faroole: Dadka Puntland kheyraadkooda cidna lama leh

0
950

Faroole20130616_1Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdi Raxmaan Sheekh Max’ed Faroole oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Garoowe ee Maamulka Puntland ayaa sheegay in kheyraadka Puntland kaliya ay xaq u leeyihiin Bulshada Reer Puntland oo iyagu u soo dhabar adeegay Mudada sanadaha ah.

Cabdi Raxmaan Faroole Madaxweynaha Puntland ayaa waxa uu sheegay in dadka Puntland ay ka faa’ideystaan Mashaariicda Horumarineed ee ay deegaanada Puntland ka fulinayaan hay’adaha Caalamiga ah.

“ Dadka dega Puntland waxooda iyagaa leh , waana in iyaga ay ka tashtaan aayahooda” ayuu yiri Madaxweyne faroole.

Si kastaba Dhawaan ayaa puntland waxa ay sheegtay in ay kalsoonida kala laabatay dowladda Soomaaliya ayna isku tashatay.

 

Shabelle