Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo ka hadlay doorashooyinka lagu wado inay ka dhacaan gobolka Hiiraan

0
915

BeledweyneGuddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo ayaa markii ugu horeysay ka hadlay doorasho lagu wado in dhawaan ay ka dhacaan gudaha magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan, taas oo lagu soo dooranayo Guddoonka sare ee gobolka Hiiraan, maadaama uu waqtiga ka dhamaaday maamulka talada gobolka Hiiraan hadda haya.

Guddoomiye C/kariin Faarax Laqanyo ayaa waxa uu sheegay in gobolka Hiiraan uu noqon doono gobolkii ugu horeeyay ee ay ka dhacdo doorasho xor ah oo lagu soo doorto Guddoonka guud ee gobolka Hiiraan, isagoo xusay in wax khilaaf ah uusan ka dhaxeynin dadka degan gobolka Hiiraan, wuxuuna waxba kama jiraan aku tilmaamay in wasaaradda arrimaha gudaha Soomaliya ay beel gaar ah u xaglineyso, isagoo sheegay in doorashadu ay noqon doonto mid si xalaal ah ku dhacda.

“Waxaan rajeynayaa in gobolka Hiiraan uu noqon doono gobolkii ugu horeeyay ee ay ka dhacdo doorasho xor ah oo lagu soo dooranayo maamulka gobolka Hiiraan ee na-bedeli doona, ka maamul ahaan waan soo dhaweyn doonaa cid kasta oo doorashada ku soo baxda, xilkana si nadiif ah ayaan ugu wareejin doonaa, waana la shaqeyn doonaa” ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka Hiiraan.

Dhinaca kale Guddoomiye Laqanyo waxa uu ugu baaqay beelo walaalo ah oo dhawaan ku dagaalamay deegaano hoosyimaada magaalada B/weyne, wuxuuna ugu baaqay in siaan shuruud laheyn loo soo xalliyo dagaalkaasi, maadaama uu yiri dagaal uusan faa’ido laheyn.

Si kasta oo ay ahaataba hadalka ka soo ayeeray Guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa waxa uu imaanayaa iyadoo magaalada B/weyne ay ku sii qulqulayaan wafdi ka tirsan dowladda Soomaalaiya, gaar ahaan xildhibaano iyo mas’uuliyiin ka socota wasaaradda arrimaha gudaha Xukuumadda Soomaaliya si ay uga qeybqaataan doorashooyinka la filayo in dhawaan ay ka dhacaan magaalada B/weyne.

Warkii.com