Gudoomiyaha G/Hiiraan Oo Sheegay In Qaraxii Shalay Uusan Saameeyn Ku Yeelan Doonin Horumarrada Ka Socda Gobolka

0
1321

qaraxBeletweyne20131020
Maamulka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in aanu saameeyn ku yeelan doonan horumarka gobolkaasi ka socada qaraxii bahalnimda ahaa ee shalay maleeshiayada alshabaab ay ku beegsadeen dad rayid u badnaa oo ku sugnaa magaaalda Baladweeyne.

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo ayaa tilmaamay in Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay magaalada Beledweyn uusan ka leexin doonin wadadi horumarka oo ay ku socdeen shacabka reer Beledweyne, wuxuuna gudoomiyuhu ku tilmaamay weerarkii shalay fal fulaynimo ah isago dadka ugu baaqay in ay la shaqeeyaan ciidamada amniga.

“waxaan u aragnaa weerar bahalnimo ah, oo meeshii nabad ka jirtana lala beegsado, waxaanse ogahay in dadka reer Hiiraan ay yihiin ummad isku duuban danaheeda garatay marna aan laga leeexineyn wadada amniga iyo wanaagaas ay ku socoto’’ ayuu yiri gudoomiye Laqanyo.

Dhinaca kale Sadex ka mid ah dadkii ku dhawaacmay qaraxii shalay ka dhacay magaalada Baladweeyne ayaa geeriyootay, iyadoo saakay magaalada ay ka socoto qabanqaabo la xiriirta in muqdisho loo soo qaado qaar ka mid ah dhaawacyadii shalay kuwooda liita.