Haweenka Puntland oo ka Cabanaya ka Qeyb Galin La’aanta Siyaasadda,Gaar ahaan Baarlamaanka

0
858

MadaxtooyadaPuntland20130417Wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka Puntland Seynab Ugaas Yaasiin oo wareysi gaar ah siiyey warbaahinta Qaranka Soomaaliya ayaa sheegtay in xilligaan wixii ka horeeyey ay aad u yaraayeen tirada haweenka ka mid noqonayay baarlamaanka Puntland, iyadoo sheegtay in arrintaas ay caqabad weyn ku tahay haweenka ku jira loolanka siyaasadeed ee Puntland.

Seynab Ugaas Yaasiin oo horey wasiir ku xigeen uga soo noqotay wasaaradda haweenka Puntland ayaa sheegtay in lagu tuntay doorkii ay haweenku ku lahaayeen siyaasadda, gaar ahaan baarlamaanka, taasoo ay sabab uga dhigtay Odayaasha dhaqanka oo fududeystay kaalinta ay dumarku ku leeyihiin kamid noqoshada baarlamaanka,maadaaba odayaasha dhaqanku ay soo xulaan xubnaha baarlamaanka Puntland.

Seynab ayaa odayaasha dhaqanka iyo maamulka waxay ka codsatay in wax laga bedelo xaqiraadda lagu hayo haweenka oo ay sheegtay inay xaq u leeyihiin in loo dhiibo jagooyinka ay diinteenu u ogolaatay dumarka.

Hadalka wasiir ku xigeenka caafimaadka Puntland Seynab Ugaas Yaasiin ayaa kus oo beegmaya xilli muddooyinkaan ay isi soo tarayeen cabashooyinka ka soo baxaya ururada haweenka ee deegaannada Puntland,kuwaas walaac ka muujinaya tirada haweenka laga siinayo baarlamaanka cusub ee Puntland.

Radio Muqdisho