Hogaamiye ka tirsanaa Burcad badeedka Soomaaliya oo lagu xiray magaalada Brussels ee dalka Belgium

0
894

Af-weyneBurcalbadeedHogaamiye ka tirsanaa Burcad badeedka Soomaaliya oo lagu magacaabo Maxamed Cabdi Xasan oo loo yaqaano (Afweyne) ayaa lagu xiray Sabtidii garoonka diyaaradaha Brussels ee dalka Belgium.

Sida ay sheegtay Wakaalada wararka ee Belgium ee loo soo gaabiyo Belga Mr Afweyne ayaa lagu xiray magaalada Bruges.

Afweyne ayaa la qabtay, kadib markii uu ka soo dhoofay magaalada Nairobi, isla markaana ciidamada ammaanka ay ku xireen garoonka diyaaradaha Brussels.

Ilo ku dhow dhow Garsoorka dalkaas ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP in laga yaabo in dacwad lagu soo oogo Afweyne.

Afweyne ayaa bishi Janaayo ee sanadkan waxaa uu kaga dhawaaqay magaalada Muqdisho inuu ka baxay howlihii burcad badeednimo kadib muddo sideed sano ah oo uu ku soo jiray.

Ninkan ayaa la sheegay inuu ka qeyb qaatay sanadkii 2008-dii afduubk markanka Mv Faina ee laga lahaa dalka Ukrraine, iyadoo la sii daayay 134-cisho kadib markii laga qaatay saddex milyan oo doolar Madax furasho.

Warbaahinta Belgium ayaa sheegtay in Afweyne looga shakisan yahay inuu ka dambeeyay Markab laga lahaa Belgium oo la afduubtay sanadkii 2009-kii, kaasoo markii dambe la sii daayay 70-maalmood kadib.

 

Jowhar