Howl gallo dad badan lagu soo qabtay oo laga sameeyay Degamada Dayniile

0
979

HowlgaloMuqdisho20131003Xiireey Muxuyidiin Guddoomiyaha Degmada Dayniile oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in Howl gal ay Ciidamada dowladda ka sameeyeen Xaafadaha kala duwan ee degmadaasi ay ku soo qab qabteen dad fara badan oo ku howlanaa falal Ammaanka ka soo horjeeda.

Guddoomiye Xiireey ayaa waxaa uu Hoosta ka xariiqay in raga la soo qabtay ay isugu jireen Al Shabaab iyo Burcad oo intuba dhibaato ku hayay Shacabka ku dhaqan Degmada Dayniile, isagoo Carabka ku dhuftay in sharciga lala tiigsaday sida uu hadalka u dhigay.

Geesta kale Xiireey Muxuyidiin Guddoomiyaha Degmada Dayniile ayaa Xusay in arrimo Ammaanka liddi ku ah ay ka dhici jireen degmadaasi balse haatan uu wanaagsan yahay Amniga taasina ay ku timid sida uu hadalka u dhigay howl gallada ka dhanka ah dhalinyarada Ammaanka ka soo horjeeda ee Ciidamada dowladda ka billaabeen Gudaha Degmadaasi.

Inta badan Ciidamada dowladda ayaa Howl gallo ay ku xaqiijinayaan Ammaanka waxa ay ka sameeyaan Xaafadaha kala duwan ee degmooyinka Gobolka Banaadir kuwaasoo ay ku soo qab qabtaan rag lala xiriirinayo ku lug lahaanshiyaha falal Amni darro ah.

Shabelle