Howl gallo Koox burcad ah lagu soo qabtay oo laga sameeyay Sh/hoose

0
945

AlshabaabLaQabteyWararka ka imaanaya Degmada Afgooye ee Gobolka Sh/hoose ayaa waxa ay ku soo warramayaan in Kooxo ku labisan dareeska Ciidamada dowladda kuwaasoo jid gooyooyin u yaallay wadada isku xirta Afgooye iyo Marko lagu soo qab qabtay Howl gallo ay Ciidamada dowladda ka sameeyeen halkaasi.

Ilo ku dhow dhow Ciidamada xooga dalka gaar ahaan Guutada 5aad ayaa waxa ay Idaacadda Shabelle u xaqiijiyeen in howl gallo ballaaran oo isdaba joog ah ay Ciidamadaasi ka sameeyeen wadada xiriirisa degmooyinka Afgooye iyo Marka ee Gobolka Sh/hoose.

Wararka ayaa waxa ay intaasi kudarayaan in Rag lagu soo qab qabtay Howl galkaasi in haatan baaritaanno ku aadan sidii lagu kala saari lahaa in ay yihiin Maleeshiyo ama Askar ka tirsan Ciidamada dowladda ku socdaan Kooxahaasi.

Howl galkaan ayaa waxa uu ka dambeeyay kadib markii dhawaan Kooxo Hubeysan ay dhac ka geysteen deegaanka Muuri ee Gobolka Sh/hoose , kuwaasoo ay qeyla dhaan ka muujiyeen shacabka ku Nool Gobolka Sh/hoose.

 

Shabelle