Howl gallo xoogan oo xalay laga sameeyay Xaafado ka tirsan Magaalada Muqdisho

0
857

HowlgaloMuqdisho20131003Howl galkaan oo xalay Ciidamada dowladda Soomaaliya ay ka fuliyeen Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay ku soo qab qabteen Rag la tuhunsan yahay in falal Ammaan darri ay ka wadeen Xaafadaha degmadaasi.

Degmada Hodan Xaafadaheeda kala duwan ayaa xalay lagu arkayay Ciidamo raxan raxan u socda oo baaritaanno halkaasi ka wada.

Goob Joogayaal Shabelle la hadlay ayaa waxa ay sheegeen in Ciidamadu ay xalay xaafadaha degmadaasi Hodan ka kexeysteen dad aad u badan in kastoo aan la cayimin tirada rasmiga ah ee Ciidamadu ay ku qabteen Howl galkaasi.

Howl galka xalay laga sameeyay Xaafadaha degmada Hodan ayaa ku soo beegmaya xilli maalmihii dambe degmadaasi ay ka jireen falal ammaan darri oo uu uga dambeeyay dilkii maalin ka hor xaafadda Tarabuunka loogu geystay Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Buliiska degmadaasi.

Shabelle