Howlaha Bankiga Dhexe Oo La Balaarinayo

0
947

SaacidBankigaDhexe20130829_4Gudoomiyaha cusub ee Bankiga dhexe uu dhawaan magacaabay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaadday in dhawaan si rasmi ah ay u bilaaban doonaan qorshayaal lagu ballaarinayo howlaha Bankiga.

Guddoomiyaha cusub Bangiga Dhexe ee Soomaaliya Yusur Abraar, oo la hadashay warfidiyeennada kadib markii ay shalay soo gaartay Muqdisho ayaa sheegtay in qorsheyaasheeda ugu horreeyo uu ka mid yahay sidii xal loogu heli dhibaatooyinka heysta Xawaaladaha Soomaalida.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamtay in lagama maarmaan ay tahay sidii ay wada shaqeyn u yeelan lahaayeen Xawaaladaha iyo Bangiga dhexe, iyadoo intaa raacisay in la diiwaan galinayo dhamaan Xawaaladaha Soomaalida, waxeyna hoosta ka xariiqday la furayo faracyo kale oo Bankiga dhex ah, si looga soo kabto dib u dhicii horey u gaaray maamulka Dhaqaalaha Soomaaliya.

Yusur Abraar Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa xustay in kulamo ay Brussels kula soo yeelatay hey’adda lacagta adduunka iyo Bankiga horumarinta caalamka ay u ballanqaadeen in Bangiga Dhexe ee Soomaaliya la gaarsiiyo maqaamka Bankigada caalamiga ah, hasa yeeshe laga horumarinayo arrintaasi dhismaha Bankiyada.

Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ayaa tilmaantay in caalamku uu doonayo in la xaqiijiyo maamulka Dhaqaalaha Soomaaliya, waxa ayna intaa raacisay in ay si hufan uga shaqeynayaan sal u dhigidda maamulka Maaliyadda.

Heshiisyada caalamiga ah ee lagu horumarriyo Bankiga Dhexe ee Soomaaliya waxa ay qeyb ka tahay qorshaha dib loogu soo kabayo Dhaqaalaha Soomaaliya, iyadoo dhanka kale markii ugu horreeysay muddo aad u fog kadib Bangiga dhexe ee Soomaaliya u ku shaqeynayo System Caalami ah, iyadoo qorshahaasi uu qeyb ka tahay barnaamij ay mushaaraadkooda uga qaadanayaan shaqaalaha dowladda Bangiga dhexe ee Soomaaliya.

 

Radio Muqdisho