Waxaa xalay laga fuliyey xaafado badan oo ka mid kuwa magaalada Muqdisho howlgal balaaran oo ay si wada jir ah ugu qeyb qaadanayaan ciidamada Alfa Group, Nabadsugida, Booliska iyo ciidamada Booliska AMISOM, waxaana la sheegay in howlagala ay noqon doaonaan xilliyada habeenkii ah mid joogtao ah.
Howlgalkaasi oo ahaa mid guri guri loo baarayey guryaha xaafadaasi ayaa waxaa lagu qabqabtay in ka badan 100-dhalinyaro ah, kuwaas oo baaritaano ay ku sameeyeen ciidamadii baaritaankaasi ka waday xaafadaha magaalada Muqdisho qaarkood, waxaana xaafadaha ay ciidamadaai sida weyn u baarayeen ka mid ahaa xaafadda Buulo Xuubey ee degmada Wadajir.
Howlgalkaasi ayaa wuxuu kusoo beegmay xili habeen hore kooxo aan la garaneyn ay wadaad caan ka ahaa deegaankaasi ay ku dhaaweceen xaafaddaasi kaasoo lagu magacaabi jiray Macallin.
Warkii