Inkabadan 40 Ruux Somali ah oo lagu qabtay Kenya

0
1092

KenyanSoldiersInEastleighSky N FM

Ciidamada Booliska dalka Kenya ayaa waxa ay xabsiga u taxabeen ku dhawaad 50 Ruux oo Soomaali ah deegaanka lagu magacabo Narok ee dalka Kenya.

Boliiska dalka Kenya ayaa sheegauy in Dadka ay qabqabteen aysan haysan Aqoonsiyo sharci ah oo ay ku joogaan dalka Kenya sidaasi daraadeedna ay Boliiska Xabsiga u taxaabeen.

Madaxa Booliska Degaanka Narok Isaaq Meme ayaa sheegay in Dadkani aysan Jawaabo rasmi ah ka bixin markii lawaydiiyaya waxa ay ka qabanayan dalka Kenya iyo Shaqadooda.

Dadka Soomaaliyeed ee gacanta lagu haya ayaa waxa ay kusuganyihiin Xarunta CID halkaas oo suaalo ay kuwaydinayaa Saraakiisha CID iyo Boliiska ka hortaga.