Itoobiya: Ciidankeennu kama baxayaan Soomaaliya

0
934

Hailemariam20130907Raysul wasaaraha Itoobiya Hailemariam Deslaegn ayaa shalay oo Jimco ahayd xaqiijiyay inaanay dowladdiisu ciidankeeda kala soo bixi doonin Soomaaliya, ayna xoojin doonaan dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab.

Hailemariam Deslaegn wuxuu sheegay inay Al-Shabaab halis ku tahay ammaanka gobolka, sidaas daraadeedna ay ciidamada Itoobiya ka caawin doonaan kuwa Midowga Afrika iyo ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya dagaalka ay kula jiraan.

“Waan sii joogi doonnaa Soomaaliya inta laga xaqiijinayo inaanay Al-Shabaab halis ku sii ahayn ammaanka gobolka” ayuu yiri raysul wasaaraha.

Hailemariam ma aanu sheegin tirada ciidan ee dowladdiisa ka jooga Soomaaliya, wuxuuse xusay inay yihiin kuwo ku filan inay qabtaan howlaha ay u joogaan.

Raysul wasaaraha wuxuu sheegay in weerarkii 21-kii September lagu qaaday magaalada Nairobi ee ay sheegatay Al-Shabaab aanu waxba ka beddeli doonin joogitaankooda Soomaaliya.

Ciidamada Itoobiya ayaa dib u galay Soomaaliya bishii November ee sanadkii 2011, kaddib markii ay horay uga baxeen 2009.

Bar-kulan